Axad 29 Nov 2026 {CBB}Magaalada Garoowe waxaa maanta lagu dooranayaa Guddoomiyaha iyo ku xigeenka ee Dalladda Bulshada Rayidka ee Maamulka Puntland loona soo gaabiyo PUNSAA iyada oo olole xooggan ay sameeyeen musharrixiinta labadaas xil u taagan.
Xalay Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland waxaa ka dhacay kulamo ay musharrixiintu la qaadeen xubnaha codaynaya si mid weliba oo kamid ah musharraxiintaas u sii diyaarsado codadka uu ku tashanayo.
PUNSAA waa Dalladda ay ku midaysan yihiin Xubnaha Bulshada Rayidka waxaana ay qayb ka qaataan arrimaha Bulsho iyo tan siyaasadeed iyaga oo ka qaybgala doodaha muhiimka ah ee Maamulka & Bulshadu la isugu xirayo.







