Khamis 17, Sab 2026 {CBB}–Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay isku day weerar oo loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn, kaas oo lagu bartilmaameedsanayay magaalada barakeysan ee Maka Al-Mukarrama.
War-saxaafadeed ay dowladda Soomaaliya soo saartay ayay ku sheegtay in ciidamada difaaca cirka Sacuudiga ay qabteen drone-ka ka hor inta uusan gaarin magaalada Maka.
Soomaaliya waxay sidoo kale cambaareysay weerarradii dhowaan lagu qaaday goobaha rayidka ah eegudaha Boqortooyada Sacuudiga
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo muujisay taageero ay u hayso Sacuudiga oo uu hoggaamiyo Boqorka ahna Ilaaliyaha Labada Masjid ee Barakeysan.
Soomaaliya waxay sidoo kale xaqiijisay inay aqoonsan tahay xaqa Sacuudiga u leeyahay inuu difaaco dhulkiisa, shacabka iyo goobaha barakeysan ee Islaamka.





