Home WARARKA MAANTA Sawiro;-hoggaamiyaha koonfur galbeed oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Sawiro;-hoggaamiyaha koonfur galbeed oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

25
0

Khamis 17, Sab 2026 {CBB}–Baydhabo: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay arrimo la xiriira amniga, maamulka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo Golaha Wasiiradu ay isla eegeen sidii loo sii adkeyn lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka, si loo xaqiijiyo amniga iyo nabadgelyada shacabka.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ka hadlay u diyaar-garowga fatahaadaha iyo saameynta ay El Niño ku yeelan karto deegaannada Koonfur Galbeed, iyagoo qiimeeyey qorshayaasha loogu diyaar-garoobayo, laguna yareynayo saameynta fatahaadaha iyo xaaladaha cimilada, gaar ahaan deegaannada iyo bulshada u nugul dhibaatooyinka ka dhasha fatahaadaha.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay maamul-daadejinta iyo dardargelinta qorshayaasha lagu xoojinayo maamulka iyo adeegyada dowladda ee heerarka kala duwan, si adeegyada aasaasiga ah loogu dhoweyn lahaa shacabka.

Sidoo kale, shirka waxaa lagu falanqeeyey sidii loo dardargelin lahaa horumarinta iyo tayeynta adeegyada dowladda, iyadoo xoogga la saaray hufnaanta shaqada hay’adaha dowladda, isla-xisaabtanka iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Golaha Wasiirada kula dardaarmay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, lana dardargeliyo fulinta qorshayaasha wax looga qabanayo baahiyaha shacabka iyo horumarinta adeegyada dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here