Arbaco 27, Nov 2024 {CBB}Kulan degdeg ah oo Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxa uu ku ansixiyay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha oo ka kooban 18 xubnood.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo shir guddoomiyay kulanka ayaa xubnaha Guddiga faray in ay ka shaqeeyaan maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgeliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu heshiiyay.
Xubnaha guddigaan ayaa kala ah:
1) Cabdikariim Axmed Xassan
2) Saadiq Abshir Garaad
3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan
4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo
5) Cumar Abuukar Cumar
6) Farxiyo Maxamed Yusuf
7) Dr. Cumar Jamac Maxamed
8 )Faarax Cabdi Xasan
9) Sahro Diiriye Muuse
10) Cabdullahi Salaad Yaroow
11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi
12) Cabdi Cadow Maxamed
13) Cabdishakuur Abiib Haayir
14) Khaalid Ibrahim Ismaaciil
15) Aamina Sh. Cusmaan Maxamed
16) Naasir Maxamed Shire
17) Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici
18) Maxamed Cumar Ismaciil
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diiradda saareyso sidii loo gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah, dhismaha xubnaha guddiyada muhiimka u ah iyo diyaarinta xeerarka lagu hayo ayay ka shaqeyneysaa sida hadalka loo dhigay.