Home WARARKA MAANTA Guddoomiyaha Bardaale oo Shir La Yeeshay Guddoomiyeyaasha Xaafadaha, Looga Hadlay Fatahaadaha El...

Guddoomiyaha Bardaale oo Shir La Yeeshay Guddoomiyeyaasha Xaafadaha, Looga Hadlay Fatahaadaha El Niño

3
0

Sabtii, 26, Sep 2026, {CBB}Bardaale: Guddoomiyaha Degmada Bardaale ee Gobolka Bay, Mudane Maxamed Isaaq Xasan Arcase, ayaa maanta shir la yeeshay Guddoomiyeyaasha Xaafadaha Degmada Bardaale, kaas oo looga hadlay diyaar-garowga iyo ka hortagga fatahaadaha ka dhalan kara roobabka El Niño.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeennada Degmada iyo Lataliyaha Sare ee Maamulka Degmada Bardaale.

Guddoomiyaha Degmada ayaa ka dhageystay Guddoomiyeyaasha Xaafadaha warbixinno ku saabsan xaaladda fatahaadaha, goobaha ay suuragalka tahay inay saameeyaan iyo talooyin ku aaddan sidii loo yareyn lahaa khataraha ka dhalan kara roobabka iyo fatahaadaha.

Mudane Maxamed Isaaq Xasan Arcase ayaa ku adkeeyey mas’uuliyiinta muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo diyaar-garowga, wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga waxyeellada ay fatahaaduhu u geysan karaan dadka iyo deegaanka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa faray Guddoomiye Ku-xigeennada iyo Guddoomiyeyaasha Xaafadaha inay xoojiyaan wacyigelinta bulshada, gaar ahaan goobaha ay dadweynuhu ku kulmaan, si shacabka loogu diyaariyo tallaabooyinka looga hortagayo fatahaadaha iyo saameynta ay keeni karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here