Sabtii, 26, Sep 2026, {CBB}Baydhabo: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah u furay Madasha Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Dowladda Koonfur Galbeed, oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.
Madasha waxaa ka qeyb galay Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Koonfur Galbeed, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta maamulka dowladaha hoose, dardargelinta adeegyada bulshada iyo horumarinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee heer gobol iyo heer degmo.
Qodobada ugu muhiimsan ee madasha looga hadlay waxaa kamid ahaa xaaladda amniga, iyadoo la isla eegay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka, kor loogu qaadi lahaa amniga bulshada, loogana hortagi lahaa khataraha amni ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, madasha ayaa lagu gorfeeyey arrimaha dhaqaalaha, kobcinta dakhliga gudaha, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo sidii dowladaha hoose loo siin lahaa awood iyo dhaqaale ku filan oo ay ku gutaan waajibaadkooda adeegga bulshada.
Intii uu socday kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray u-diyaargarowga saameynta El Niño, gaar ahaan fatahaadaha ka dhalan kara roobabka, iyadoo laga hadlay qorshayaasha ka hortagga iyo ka jawaabidda fatahaadaha, diyaarinta gurmadka degdegga ah iyo sidii loo yareyn lahaa saameynta ay roobabka iyo fatahaaduhu ku yeelan karaan bulshada, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada nugul.
Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka kula dardaarmay inay xoojiyaan wada-shaqeynta, si hufan ugu adeegaan bulshada, isla markaana mudnaanta siiyaan amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo u-diyaargarowga xaaladaha bani’aadannimo iyo kuwa dabiiciga ah.
Madasha Sanadlaha ah ayaa sidoo kale muhiim u ah is-dhaafsiga khibradaha iyo talooyinka maamul ee u dhexeeya Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka, iyadoo looga gol leeyahay xoojinta dowladnimada hoose iyo tayeynta adeegyada ay dowladda u fidiso shacabka Koonfur Galbeed.




