Home WARARKA MAANTA Golaha Shacabka oo Ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Golaha Shacabka oo Ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

0
2

Sabtii, 26, Sep 2026, {CBB}Muqdisho: Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulanka 19-aad ee Kalfadhiga 8-aad, kaas oo uu shir guddoomiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa ugu horreyn Xildhibaanadu cod ugu qaadeen Hindise-Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, iyadoo 130 Xildhibaan ay oggolaadeen, sagaal ay diideen, halka laba Xildhibaan ay ka aamuseen, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka.

Sidoo kale, Golaha Shacabka ayaa Akhrinta Labaad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharciga Lr. 130 ee soo baxay 22-kii Abriil 2012.

Xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay qodobada Hindise-Sharciyeedka, iyagoo su’aalo iyo aragtiyo ka weydiiyey mas’uuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo mas’uuliyiinta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo kulanka goob-joog ka ahaa.

Ugu dambeyn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyey Warbixinta Akhrinta Labaad ee heshiisyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca garsoorka.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa howlaha sharci-dejinta ee Golaha Shacabka, iyadoo ajandayaasha laga dooday ay la xiriireen iskaashiga garsoorka iyo wax-ka-beddelka sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here