Home WARARKA MAANTA DEG DEG: Xildhibaan Bishaaro Gaabey iyo Mas’uuliyiin KGS ah oo Booqday Qoyska...

DEG DEG: Xildhibaan Bishaaro Gaabey iyo Mas’uuliyiin KGS ah oo Booqday Qoyska Gabadha Lagu Dilay Baydhabo

0
2

Sabtii, 26, Sep 2026, {CBB}Baydhabo: Xildhibaanad Bishaaro Gaabey iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed ayaa booqday qoyska gabadhii yarayd ee dhawaan lagu dilay magaalada Baydhabo, iyagoo tacsi iyo garab istaag u muujiyey qoyska.

Mas’uuliyiinta ayaa dalbaday in dhacdadan si dhab ah loo baaro, caddaaladdana la horkeeno cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay dilka gabadha yar.

Ciidamada Booliska magaalada Baydhabo ayaa gacanta ku dhigay saddex qof oo lala xiriirinayo kiiska gabadha shan jirka ahayd ee meydkeeda laga helay Jimcihii xaafadda Xaqsoor ee magaalada Baydhabo.

Gabadha oo lagu magacaabi jiray Ikhlaas Ibraahim Amiin ayaa qoyskeedu waayey Arbacadii, kaddib markii ay waayeenna ay la xiriireen hay’adaha ammaanka. Meydkeeda ayaa markii dambe laga helay xarun caafimaad oo ku dheggan hoyga qoyskeeda.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Booliska Baydhabo, saddex qof oo kala ah hal wiil iyo laba gabdhood ayaa loo soo qabtay baaritaanka kiiskan. Sarkaalka ayaa sheegay in wiilka uu waardiye ka ahaa xarunta caafimaad ee ku dheggan guriga gabadha.

Meydka gabadha ayaa loo diray Isbitaalka Goboleedka Baay si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo, iyadoo saraakiisha ammaanku ay sheegeen in baaritaanka hordhaca ah laga helay calaamado muujinaya in gabadha laga yaabo in lagu ceejiyey xarig.

Mid kamid ah labada gabdhood ee loo qabtay kiiskan ayaa la sheegay inay qoyska u sheegtay in meydka gabadha lagu hayo xarunta caafimaad ee ku dheggan gurigooda.

Dhacdadan ayaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Baydhabo, iyadoo bulshada ay walaac iyo argagax ka muujiyeen dilka gabadha yar.

Mas’uuliyiinta Dowladda  Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in muhiimad gaar ah la siinayo baaritaanka dhacdadan, si xaqiiqda loo ogaado, cidda ka dambeysana loo marsiiyo sharciga.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here