Sabtii, 26, Sep 2026, {CBB}Muqdisho: Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Caliim.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga, iyo sidii labada dowladood uga wada shaqeyn lahaayeen danaha ay wadaagaan.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyey Dowladda Aljeeriya taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iyo horumarinta iskaashiga labada dal.
Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca.



