Axad , 27, Sep 2026, {CBB}Baydhabo – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Mudane Cabdifataax Saciid Axmed (Siidi), iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Danjire Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi, oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA) ee Soomaaliya ku matala.
Danjire Mardaadi ayaa Baydhabo u yimid booqasho shaqo, iyadoo soo dhaweyntiisa ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee maamulka.
Mas’uuliyiinta soo dhaweysay Danjiraha ayaa kulan la qaatay, iyagoo ka wada hadlay ujeeddada booqashadiisa iyo howlaha uu magaalada Baydhabo u yimid. Inta uu ku sugan yahay magaalada, Danjire Mardaadi ayaa la filayaa inuu kulamo iyo howlo kala duwan la yeesho bulshada iyo mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed.
Booqashada Danjire Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi ayaa kusoo aadeysa xilli muhiimad gaar ah la siinayo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo hay’adaha gobolka Bariga Afrika, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga, horumarinta iyo arrimaha bulshada.







