Home WARARKA MAANTA Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Kormeeray Xarumaha Ciidamada Birmadka

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Kormeeray Xarumaha Ciidamada Birmadka

1
0

Axad , 27, Sep 2026, {CBB}Baydhabo – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda  Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Issack Mohamed Issack (Korsaar), oo ay weheliyaan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga, Mudane Maxamed Yuusuf, Taliyaha Birmadka Soomaaliya, Taliyaha Birmadka Koonfur Galbeed iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga, ayaa booqasho iyo kormeer ku tagay xarumaha ay degan yihiin ciidamada Birmadka.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd in Wasiirka iyo saraakiishu ay qiimeeyaan xaaladda xarumaha, goobaha ay ciidamada ku sugan yihiin iyo adeegyada loo diyaariyey, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa howlaha amniga iyo daryeelka ciidamada.

Intii uu socday kormeerka, Wasiirka ayaa xog ka dhageystay saraakiisha ciidamada, isagoo la socday xaaladda iyo baahiyaha ka jira xarumaha ay ciidamada Birmadku ku sugan yihiin.

Wasiir Issack Mohamed Issack ayaa saraakiisha iyo ciidamada ku bogaadiyey dadaallada ay ku bixinayaan sugidda amniga, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga, diyaar-garowga ciidamada iyo daryeelka ciidanka.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ay ku qiimeyneyso xaaladda ciidamada iyo xarumahooda, si loo xoojiyo howlaha amniga iyo tayeynta adeegyada loo diyaariyo ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here