Home WARARKA MAANTA Dowladda UK oo ku dhawaaqday in qaabilayso qaxoonti Cusub.

Dowladda UK oo ku dhawaaqday in qaabilayso qaxoonti Cusub.

1
0

Isniin 28 Sep 2026 {CBB}Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday in qaabilayso qaxoontida, iyada oo dadka dalkaas doonaya u furaysa jid ammaan ah, sida ay shir-jaarid ku sheegtey Xoghayaha Arrimaha-gudaha Shabana Maxamuud oo xustay in ay si gaar ah u soo dhoweynayaan gabdhaha.

Wasiirku waxa ay sheegtey in nidaamyo kala duwan dadka lagu qaabilayo oo ay ku jirto; ka-faale qaad qoys (sponsorship), ka-faale qaad arday, waxa kale oo la furi doonaa nidaam dib-u-dejin oo ay badhi taarayso Qaramada Midoobey.
Boqortooyadu waxa ay sheegtey in ay tan kaga hortegeyso tahriibka ayna albaabadeeda u furayso magangelyo-doonka gaar ahaan dadka Falastiin & Afgaanistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here