Talaado 29 Sep 2026 {CBB}Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu Axaddii booqday Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.
Booqashadu waxay ku soo beegantay muran ka dhashay warar sheegaya in Maxamed bin Zayed uu Netanyahu uga digay weerar ay Xamaas qorsheynaysay ka hor weerarkii 7-dii Oktoobar 2023. Netanyahu ayaa beeniyay inuu helay digniintaas.
Warbaahinta Channel 12 ayaa sheegtay in Netanyahu iyo wafdigiisu ay Imaaraadka ugu safreen diyaarado kala duwan.
Netanyahu ayaa Imaaraadka ku sugnaa dhowr saacadood, waxaana uu kulan fool ka fool ah la yeeshay Madaxweyne Maxamed bin Zayed.







