Arbaco 30 Sep 2026 {CBB}Maamullada Galmudug iyo HirShabeelle ayaa looga dareeray Doorashooyin isku sidkan oo dadka codaynaya ay ku dooranayaan Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada Maamulladaas, waxaana sare loo qaaday Amniga Degmooyinka laga codaynayo.
Doorashada Maamulka Galmudug oo ah mid ku culus ah ayaa horay sidaan oo kale u qabsoontay inkasta oo natiijadii kasoo baxday ay baabi’isay Maxkamadda Sare ee Dalka oo loo gudbiyay waxyaabo nidaamka xeerka baalmarsan oo lagu arkay.
HirShabeelle waa mid ku cusub waxaana codaynta ka qaybgalay mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha hadda Xilka haya, Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe, Mas’uuliyiin heer Federaal iyo Heer Dowlad-Goboleed isugu jira.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in doorashooyinkaan halka mar laga wada qabtay Labada Maamul Goboleed ay tahay mid ku cusub maadaama mid mid ay u soo qabteen.
Ammaanka ayaa sare loo qaaday, waxaana hakad la geliyay isu socodka Gaadiidka ilaa inta ay kasoo dhammanayso Codbixinta doorashooyinka oo laga qaadayo sanaadiiqda lagu codeeyay sida uu sheegay Guddiga Doorashooyinka Qaranka.








