Home WARARKA CAALAMKA Trump oo ku dhawaaqay in dagaalka kala dhaxeeya Iiraan uu soo idlaan...

Trump oo ku dhawaaqay in dagaalka kala dhaxeeya Iiraan uu soo idlaan doonayo

1
0

Arbaco 30 Sep 2026 {CBB}Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in dagaalka dalkiisa kala dhaxeeya Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan uu kusoo idlaanayo sida ugu dhaqsiyaha badan isaga oo aan bixin faahfaahin intaas dheer.

Donald Trump ayaa xusay in Maraykanka uu guul ka gaaray dagaalka ka dhanka ah Iiraan, waxaana hoggaamiyahaan isbaddelka badan ee marweliba hadallada iska hor imaanaya ku dhawaaqa uu markale soo jiitay dalalka danaynaya in lasoo afjaro colaadda Bariga Dhexe.

Trump waxaa horyaalla shuruudaha Iiraan ay u gudbisay Qatar oo ah Dalka dhexdhexaadinaya labada dhinac, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa sheegay in dalkiisa uu iska difaacay cadawga kusoo duullay oo guuldarro qaraar la dhadhansiiyay.

Iiraan ayaa doonaysa in aan gorgortan la gelin u fasixidda Dhaqaalaha ka xayiran, ka qaadista cunaqabataynta iyo daminta doodaha miiska saaran ee la xiriira Barnaamijka Nukliyeerka oo Xukuumadda Tehran sheegtay in ay ku qasban tahay in loo fuliyo qodobadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here