Arbaco 30 Sep 2026 {CBB}Dowladda Maraykanka ayaa maanta oo Arbaco ah guud ahaan Ciidankeeda kala baxday Dalka Ciraaq oo ay ku sugnaayeen tan iyo March sannadkii 2003 xiligaas oo ay ku duulleen Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Saadaam Xuseen.
Muddada 23ka Sano iyo 6da bil ah waxa uu Maraykanka dalka Ciraaq ku galay dagaallo kala duwan sida kuwii uu kala hortagay ciidankii Dowladdii Saadaam, Kooxihii ka dhashay Burburka, Daacish iyo kuwo kale, waxaana Ameerikaanka halkaas ku gaaray khasara kala duwan.
Dowladda Ciraaq ayaa sannadkii 2024kii Maraykanka hordhigtay in uu isaga baxo dalkeeda waxaana muddo uu ka caga-jiidayay fulinta amarkaas, ugu dambayn Maraykanka ayaa ciidankii ugu dambeeyay maanta kala baxay Dalkaas.
Maraykanka ayaa sheegay in tan iyo markii uu Ciraaq galay looga dilay 4,599 oo Askari, 15 Shaqaale Rayid ah, 3,650 qandaraasleyaal ah waxaana intaas u dheer dhibaato dhaqaale oo soo gaartay oo inta diiwaanka ku jirta lagu sheegay $2.89 Trillion.
Daryeelka Caafimaad iyo lacagaha magdhawga ah la siiyay Ciidanka iyo dadka kale ee Ameerikaanka ah ee naafada kuĀ noqday Dalka Ciraaq, Diyaaradaha laga soo riday, Gaadiidka laga gubay iyo hubka uu adeegsaday qudhiisa ayaa lacag badan uga baxday.







