Talaado 29 Sep 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Axmed oo kulamo gaar ah wada qaadan doonaan.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo beegmaya iyada oo Xukuumadda Abiy Ahmed ay wajahayso Isbahaysi hubaysan oo doonaya in uu xukunka ka tuuro isla markaana billaabay dagaallo culus oo xooggooda ka billowday Ismaamulka Tigray.
Xogaha la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu berri gaaray Jamhuuriyadda Jabuuti isaga oo halkaas kula soo kulmaya Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kawada hadlayaan xaaladda iyo xiriirka labada Dal.
Geeska Afrika ayaa wajahaya mowjado colaad, xaalado bani aadamnimo iyo cabsi ay ka qabaan in uu saamayn taban ku reebo is qabqabsiga kasoo billowday Bariga Dhexe una soo gudbay Dalal kala duwan oo caalamka ah.







