Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo Booqday Goobihii Shalay Weerarku ka Dhacay

Sawiro;-Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo Booqday Goobihii Shalay Weerarku ka Dhacay

2
0

Talaado 29 Sep 2026 {CBB}Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo isugu jiray wasiirro iyo saraakiil ciidan Gudoomiya Degmada Baydhabo , ayaa maanta booqday goobihii shalay ay weerarrada ku soo qaadeen dagaalyahannada Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta ayaa u kuurgalay xaaladda goobaha ay weerarradu ka dhaceen, iyagoo qiimeyn ku sameeyay xaaladda amni iyo sida ay wax uga dhaceen weerarradii shalay.

Booqashada ayaa sidoo kale qeyb ka ahayd qiimeynta xaaladda goobaha ay weerarradu saameeyeen iyo xog-ogaal u noqoshada xaaladda ciidamada iyo howlaha amni ee halkaasi ka socda.

Kadib booqashada, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Nuur Siidoow Baaba, ayaa warbaahinta la hadlay, isagoo ka warbixiyay xaaladda goobihii ay mas’uuliyiintu booqdeen iyo ujeeddada socdaalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay xaaladda amni ee goobahaasi iyo dadaallada ay dowladda ugu jirto xoojinta amniga iyo la tacaalidda weerarrada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here