
Arbaco 7 Oct 2026 {CBB}Dowladda Caalamka aqoonsan yahay ee Suudaan ayaa diiday in ay wadahadal la furto Ciidamada Taageerada Degdega ah ee loosoo gaabiyo RSF iyada oo ku goodisay inay awood militari ku qabsan doonto deegaannada ay kooxdaas ku sugan tahay.
Madaxa ugu sarreeya Golaha Militariga ah ee Suudaan gacanta ku haya, Jaranaal Cabdilfattaax Al-Burhaan ayaa diiday in uu wadahadal la furo Kooxda RSF uu hoggaamiyo sarkaalka ay is hayeen ee lagu magacaabo Maxamed Xamdaan Daqlo (Hemedti).
Khudbad uu jeediyay Al-Burhaani waxa uu carrabka ku dhuftay in Dadka Suudaan ay u diyaarsan yihiin sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen kooxda taageerrada ka hesha shisheeyaha ee RSF oo dhibaatooyin badan ka gaysatay Dalkaas sida uu hadalka u dhigay.
Wakaaladda Wararka Suudaan ayaa sheegtay in Hoggaamiyaha sharciyadda haysta uu u muuqday nin isku kalsoon una diyaarsan sidii uu awood militari ugu maquunin lahaa Kooxda RSF ee weli gacanta ku haysa qaybo kamid ah Dalkaas.
Tan iyo April sannadkii 2023kii waxa uu dagaal ka dhex jiraa Ciidanka Suudaan iyo Maleeshiyaadka Kooxda RSF oo ay labada dhinac kala wataan labo sarkaal oo ku loolamaya awoodda Militari ee Dalkaas si dhinac weliba uu gacanta ugu dhigo maamulka dalkani.






