Jimco 9 Oct 2026 {CBB}Baraawe, Koonfur Galbeed Soomaaliya – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa magaalada Baraawe ka daahfurtay tababar soconaya muddo saddex maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayo doorka culimada ee dhex-dhexaadinta, xalinta khilaafaadka iyo xoojinta wada-hadalka bulshada.
Tababarka waxaa si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Mudane Mubaarak, iyadoo munaasabadda daahfurka ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Degmada Baraawe iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed.
Tababarka waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradaha, culimo, macallimiin, haween iyo dhallinyaro, kuwaas oo ka wada hadlaya sidii loo xoojin lahaa doorka ay qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan culimadu, uga qaadan karaan dhex-dhexaadinta iyo dhismaha nabadda.
Tababarkan ayaa fursad u ah ka qaybgalayaasha inay kor u qaadaan aqoontooda iyo xirfadahooda ku aaddan wada-hadalka, is-afgaradka iyo xalinta khilaafaadka si nabadeed, iyadoo la dhiirrigelinayo wada noolaanshaha iyo iskaashiga bulshada.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Dowladda Koonfur Galbeed ayaa dadaal ugu jirta xoojinta kaalinta culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee ku aaddan nabadaynta, is-dhexgalka bulshada iyo horumarinta wada-hadalka







