Home WARARKA CAALAMKA Soomaalida & Ajaanibta kale ee ku nool Koofur Afrika oo ka walaacsan...

Soomaalida & Ajaanibta kale ee ku nool Koofur Afrika oo ka walaacsan Rabshadaha kusii kordhaya Dalkaas

1
0

Sabtii 10 Oct 2026 {CBB}Ajaanibta ku nool Koofur Afrika oo Soomaalida ay qayb ka tahay ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha kusii kordhaya Dalkaas kuwaas oo salkoodu yahay nacaybta Soogalootiga gaar ahaan kuwa sharci darrada ku jooga Waddankaas.

Labadii maalin lasoo dhaafay waxaa la diiwaangeliyay in dibadbaxyo xooggooda billowday Khamiistii lagu gubay Gawaari sidoo kalena lagu boogay Goobo Ganacsi oo ay leeyihiin Ajaanib ku nool Dalka Koofur Afrika sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Dowladda Koofur Afrika ayaa ciidamo dheeraad ah dhigtay qaybo kala duwan oo Dalkaas kamid ah maadaama ay weli jirto cabsi xooggan oo laga qabo inay markale kooxaha dibadbaxaya ay markale dib isu soo abaabulaan sida hadalka loo dhigay.

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Koofur Afrika ayaa sheegay in ay u baahan yihiin qalab dheeraad ah in la geeyo tuulooyinka sida suntan dadka ilinta ka keenta, Gawaarida Shabaqlayaasha iyo Biyaha xooggan ee dadka lagu kala eryo.

Tan iyo billowgii sannadkaan waxaa Dalka Koofur Afrika ku kordhay ajaanib nacaybka ay muujinayaan xubno katirsan Mucaaradka kuwaas oo sheegay in shaqo la’aanta ka jirta dalkooda in ay qayb ka yihiin ajaanibta badan oo xitaa qaarkood aan sharci haysan.

Waxaa jiray heshiisyo Dowladda iyo xubnaha Mucaaradka ay ka gaareen dibadbaxyo horay looga cabsi qabay laguna guullaystay in la baajiyo balse arrintu waxa ay u muuqataa in heshiiskaas uu  meesha ka baxay maadaama ay rabshado dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here