Sabtii 10 Oct 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay qorista dhallinyaro cusub oo ku biiraysa Ciidamada kala duwan si ay qayb uga noqdaan dib u dhiska Ciidanka Qalabka sida oo loo diyaarinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Dalka.
Gobolka Banaadir, Maamullada HirShabeelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka wadaa qorista ciidamadaan kuwaas oo lagu kala biirinayo Ciidamada Booliiska, Nabadsugidda iyo Militariga.
Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal Media u sheegay in madaxda sare iyo Hoggaanka Ciidamada ay xoogga saareen in la diyaariyo Ciidamo cusub oo xoojinaya mas’uuliyadda Amniga si loogu sii diyaariyo la wareegista Amniga Dalka.
Sida qorshuhu yahay, sannadka soo socda 2027 waxaa lagu wadaa in la dhimo ama dalka laga saaro ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM, Waqtiga kooban ee ka dhiman waxa ay Dowladda Soomaaliya ku qaadaysaa tallaabooyin ay dib ugu xoojinayo ciidankeeda.
Marka la eego fursadaha ay haystaan ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka sida tababarrada, hubka ay ku howlgallayaan iyo taageerrada dalalka kala duwan ee saaxiibada la ah Soomaaliya waa ay ka fursado fiican yihiin sannado kahor sidii ay ahaayeen.
Xeryo ciidan oo lagu tababaro ciidamadaas cusub ayaa ka furan Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobollada Dalka, qaarkood waxaa booqday madaxda Dowladda, Saraakiil ciidan iyo xubno kale si ay usoo arkaan tababarka ay qaadanayaan ciidankaas.
Waxyaabaha Dowladda Federaalka ku dhiirragelinaya in ay qorato ciidamo cusub waxaa kamid ah in laga qaaday cunaqabatayntii hubka, fursadaha ay ka heleyso dowladaha saaxiibada la ah, in mas’uuliyiinta sare ee Dalka iyo Madaxtooyada ay ilaaliyaan ciidan Soomaali & waxyaabo kale.







