Arbaco 14 Oct 2026 {CBB}Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa soosaartay Warbixin ku saabsan sida ay ugu kala sarreeyaan dhinaca soosaarka Dhaqaalaha Gudaha Dalalka ku midaysan Bulshada Bariga Afrika ee kala ah Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Somalia, Burundi, DR Congo & South Sudan.
Dalka ugu badan ee dhinaca waxsoosaarka dhaqaalaha Gudaha waa Kenya oo lagu qiyaasay $151.15 Bilyan oo doollar oo u dhiganta 31% dhaqaalaha guud ee Bariga Bulshada Afrika sida lagu xusay daraasadda Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF soosaartay.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa ah Dalka labaad waxaana dhaqaalaha dalkaas lagu qiyaasay $122.28 Bilyan oo doollar, waxaana ku xiga Tanzania oo waxsoosaarkeeda gudaha uu noqday $96.18 Bilyan oo doollar, halka Uganda uu yahay $72.24 Bilyan oo doollar.
Dalalka kale ee warbixintaan ku jira waxaa kamid ah Rwanda oo qiyaastii dhaqaalaha gudaha kasoo gala uu gaaray $18.67 Bilyan oo Doollar, Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay $14.82 Bilyan, Koofurta Suudaan waa $7.98 Bilyan halka Burundi ay tahay $7.61 Bilyan oo doollar.
Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa dhowaan sheegtay in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay iyada oo la saadaalaniyo tiro ka badan tan sannadkaan 2026 in uu gaari doonno sannadka soo socda 2027 sida ay ku xustay Warbixinteeda.







