Arbaco 14 Oct 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u soo ceshatay Nidaamka Tikidhada lagu maamulo ee Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka loona soo gaabiyo IATA sida uu sheegay Wasiirka Gaadiidka iyo Duullista Hawada XFS, Maxamed Faarax Nuur.
Wasiir Maxamed oo warbixin siiyay Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa sheegay in dib u soo celinta nidaamkaan ay Wasaaraddu ku guullaystay, taasi oo dalka khasab uga dhigaysa in uu awood u yeesho Maamulka Tikidhada Duullimaadyada.
Tallaabadaan ayaa lagu bogaadiyay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duullista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la faray in ay dardargeliso howlaha waajibaadka ah ee horyaalla si loo xaqiijiyo gaarista guullaha muhiimka ah.
Soomaaliya ayaa 30kii April 2026 tijaabisay nidaamkaan lagula soconayo Tikidhada sax ahaantiisa iyo dhaqaalaha kasoo gala, iyada oo Ururka IATA la aasaasay sanadkii 1945tii oo tan iyo xiligaas dalal badan ka garansiiyay Nidaamkaan.
Fududeynta hubinta tikidhada, Gaabinta magacyada sida Garoomada iyo Diyaaradaha ayay Soomaaliya u fududeyneysaa waana fursad kale oo dhaqaale uga samayn karto maadaama arrintaan ay soo jiidanayso Shirkado Diyaaradeed.







