Sabtii 24 Oct 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cambaaraysay weerar lagu qaaday Kaniisad ku taalla Gobolka Karak ee Dalka Urdu nee Boqortooyada Haashimiyiinta kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Dad halkaas ku sugnaa.
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay cambaaraynayso sidoo kale rabshada dhiig daadinta ah ee sida ay hadalka u dhigtay.
Dowladdu waxa ay xustay in ay Soomaaliya garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Dalka Urdun, waxa ay tacsi u dirtay qoysaska iyo ehelka dadkoodu ku dhinteen weerarka ka dhacay Kaniisadda ku taalla Gobolka Karak.
Dadka dhaawaca soo gaaray ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u rajaysay in ay caafimaad degdeg ah helaan halka dhiggeeda ay ugu baaqday in lala xisaabtamo dadkii mas’uulka ka ahaa weerarkaas.
Ugu yaraan 7 qof ayaa ku geeriyootay weerarkaan halka dad ka badan 34 kale ay ku dhaawacmeen weerarkaas ay fuliyeen Ragga Hubaysan ee Kaniisadda galay, waxaana muuqaalladooda lagu faafiyay Baraha Bulshada maadaama ay duubeen Kaamirooyinka CCTV







