Sabtii 24 Oct 2026 {CBB}Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod kalsoonida loogu qaaday Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Cali Xaaji.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay Natiijada, isagoo xusay in wasiirka ka badbaabaday Mooshinkaasi.
“89 Xildhibaan ayaa diiday Mooshinka, 50 ayaa oggolaatay, halka 5 kalena ay aamuseen” ayuu yiri Guddoomiyaha.
Guddoonka sooma bandhigin eedaha ku xusan Mooshinka laga gudbiyay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.







