Sabtii 24 Oct 2026 {CBB}Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay safiirrada Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga.
Wasiir Fiqi ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Charles King, iyaga oo ka wada hadlay taageerada UK ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, László Máthé, kaas oo ay ka wada hadleen horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, tayeynta hay’adaha amniga iyo xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca.
Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay UK iyo Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in la sii xoojin doono ay leedahay sii xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay labada dhinac.
Kulamadan ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo awoodda ciidamada dalka iyo sugidda amniga gaar ahaan si ay ula wareegaan mas’uuliyadda dalka.







