Home WARARKA MAANTA Nuxurka Khudbadda Deni uu ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada...

Nuxurka Khudbadda Deni uu ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada DG Puntland

1
0

Axad 25  Oct 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas ayaa jeediyay khudbad uu si feejigan ugu soo koobay ka fogaanta qodobada Dhallin kara su’aalaha dib ugu noqon kara.

Siciid Deni ayaa kormar ku sameeyay Dhinacyada Amniga, Howlaha Dhul duminta Garoowe, Beegsiga Ciidankii PSF, Hub uruurinta, Dib usoo noqoshadii Burcad Badeedda, Sicir bararka jira iyo xaaladda indhaha lagu hayo ee colaadda Badda Cas.

Dhaliilo ayuu u jeediyay Dowladda Federaalka isaga oo tilmaamay in wax aan la aqbali Karin Doorashada uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dadweyne maadaama uu ku sheegay mid aan u cuntamayn dhankooda sida uu hadalka u dhigay.

“Caqabadaha & Harag daamooyinka ku socda Geedi socodka Dowlad-dhiska Soomaaliyeed in ay Niyad jab ku beereen qayb kamid ah Shacabka Puntland kuwaas oo aan waxba ka hagran Dedaalka iyo Himilooyinka Dowladnimada Soomaaliyeed oo dhammaystiran” Ayuu yiri MW DG Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni

Golaha Wakiillada Puntland ayuu Siciid Deni kahor sheegay in uusan soo qaadan doonnin waxyaabo u qalma Maamulkiisa, waxaana uu dalbaday kulan weyne ay ku kala xog-qaadanayaan Mas’uuliyiinta, Siyaasiyiinta & Shacabka.

“Waxa aan idiin ballanqaadaya in aan qaadan doonnin go’aanno aan idiin qalmin, waxaana yeellan doonnaa wadatashiyo dhab ah si aan uga arrinsano xaaladaha taagan” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha DG Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni

Waxa uu bogaadiyay Ciidanka Badda Maamulka Puntland ee PMPF oo dagaal la galay Kooxaha Burcad Badeeda, Deni ayaa shaaciyay in howlgalku uu isugu jiray mid badda ah iyo mid dhinaca Xeebta laga sameeyay laguna soo afjaray sida uu yiri

“Puntland waxa ay si adag uga hortagtay in deegaannadeeda lagu abuuro Burcad Badeed iyada oo Ciidanka PMPF ay soo furteen Maraakiib gacanta ugu jirtay Burcadda” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha DG Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here