Home WARARKA MAANTA RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya.

1
0

Axad 25  Oct 2026 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor Cabdilcasiis.

 

Xamza waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Jeddah, Amiir Saud bin Cabdullaah bin Jalawi, iyo mas’uuliyiin kale oo Sacuudiyaan ah, sida ay baahisay warbaahinta Arab  News oo soo xiganaysa Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA.

 

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya iyo Sacuudigu doonayaan inay sii xoojiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.

 

Dowladda Sacuudiga ayaa mar kale caddeysay taageeradeeda madaxbannaanida Soomaaliya iyo wadajirka dhuleed ee dalka, iyadoo diidmo ka muujisay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

 

Labada dal ayaa sidoo kale iska kaashanaya sugidda amniga marin-biyoodka caalamiga ah iyo ilaalinta xorriyadda isu-socodka maraakiibta, kuwaas oo muhiim u ah ganacsiga iyo xasilloonida gobolka.

 

Warbixinta Arab News iyo SPA faahfaahin kama bixin kulamada uu Xamza la yeelan doono madaxda Sacuudiga, ajandaha rasmiga ah ee booqashadiisa ama muddada uu dalkaas ku sugnaan doono.

 

Booqashadan ayaa imanaysa iyadoo amniga marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya, ay ka mid yihiin arrimaha muhiimka ah ee xiriirka gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here