Home WARARKA MAANTA Dowladda Soomaaliya oo maanta degmada Ceelbarde kula la wareegtay 220 Askari

Dowladda Soomaaliya oo maanta degmada Ceelbarde kula la wareegtay 220 Askari

2
0

Axad 25  Oct 2026 {CBB}Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kula la wareegtay 220 Askari oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, kuwaasi oo saddexdii bil ee la soo dhaafay ku xirnaa magaalada Dirirdhaba ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Ciidamadan ayaa dhawaan tababar ku soo qaatay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, iyagoo Dowlad Deegaanka u aaday fasax si ay ula soo kulmaan qoysaskooda

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay tirada Ciidamadan ayaa sheegay in tiradooda guud ay tahay 220, isla markaasna ay haweeney kamid ah umushay.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan qeybta 60-aad iyo Mas’uuliyiinta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa soo dhaweeyay Askartan, iyagoo u mahadceliyay Saraakiisha Ciidamada Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Ciidamadan ayaa sii wadan doona waajibaadkooda Qaranka, iyagoo ka qeyb qaadan doona xorreynta dalka, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here