Home WARARKA MAANTA Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

1
0

Axad 25  Oct 2026 {CBB}Maamulka Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ka mamnuucay qaadashada hubka, iyadoo tallaabadan lagu sheegay mid la xiriirta hirgelinta sharciga nabadgelyada guud ee magaalada.

Wareegto uu 25-ka Oktoobar 2026 soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiweli Jibriil Bayle, ayaa lagu amray Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug iyo Guddoomiyaha Degmooyinka Gobolka Mudug inay mamnuucidda hubka ku dhaqangeliyaan Gaalkacyo, lana gaarsiiyo cid kasta oo ay khuseyso.

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee Lambar 1, oo soo baxay 23-kii Janaayo 2000, uu dhigayo in hubka lagu qaato oo keliya marka la helo oggolaanshaha hay’adaha nabadgelyada ee ay waajibka ku tahay bixintiisu.

Sida ku cad amarka, laga bilaabo 25-ka Oktoobar 2026 waxaa mamnuuc ah in magaalada Gaalkacyo lagu dhex qaato hub aan loo haysan oggolaansho sharci ah, waxaana la faray Taliyaha Qaybta Booliiska inuu sharciga dhaqan geliyo.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka Puntland ee lagu xoojinayo amniga iyo kala dambeynta magaalada Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here