Home WARARKA MAANTA Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?.

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?.

1
0

Axad 25  Oct 2026 {CBB}Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargalin howlaha Baarlamaanka, waafajinta xeer-hoosaadyada labada Aqal ee Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo isku-duwidda howlaha sharci-dejinta iyo waafaqsanaanta habraacyada Baarlamaanka Federaalka.

 

Sidoo kale, Guddoonka labada Aqal ayaa ka wada hadlay dhismaha Guddiga Adeegga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dhammaystirka xisaab-xirka miisaaniyadeed ee sannadka 2025, si loo guda galo akhrinta koowaad.

 

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka iyo Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, ahna Xoghayaha Guud ee ku-xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here