Home WARARKA MAANTA Carruur ku dhimatay Miino ay ku cayaarayeen oo kula qaraxday Gaarisa

Carruur ku dhimatay Miino ay ku cayaarayeen oo kula qaraxday Gaarisa

5
0

Isniin 26  Oct 2026 {CBB}Ismaamulka Gaarisa waxaa ka dhacay Qarax Miino oo galaaftay Nolosha labo carruur oo la sheegay in ay ku cayaarayeen walxahaas qarxa, dhaawac soo gaaray ayay ugu dambayn dhiig bax dartiis ugu dhinteen mid kamid ah Isbitaallada Ismaamulkaas.

Miinada ayaa la sheegay in ay arkeen carruurtaan iyada oo meel ku aasay, kaddib waa ay soo bixiyeen iyaga oo billaabay in ay ku cayaaraan sida in ay garaacaan wayna ku qaraxday sida ay ku warrameen ilo deegaanka ah.

Mas’uuliyiin katirsan Ismaamulka Gaarisa ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo ay ku raadinayaan Miinooyinka lagu aaso waddooyinka oo halis ku ah Dadka iyo Xoolaha ay dhaqdaan si looga hortago halistaas sida ay hadalka u dhigeen.

Carruurtaan ayaa la sheegay in ay kasoo jeedaan qoys xoolo dhaqato ah, waxaana wararku intaas ku darayaan in mid kamid ah Carruurtaas uu garaacay Miinada oo markii dambe ku qaraxday isla markaana waxyeelaysay jirkooda.

Saraakiil katirsan Ciidanka gaarka ah ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada oo goobta tagay ayaa soo qaaday haraadiga walxaha qarxay, sidoo kale muddo kooban ayay Deegaanka uga sameeyeen howlgallo miino-baaris ah.

Ismaamullada Gaarisa iyo Mandheera waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay Qaraxyada & Weerarrada ka dhanka ah Ciidamada Ammaanka & Saraakiisha u shaqeeya Maamulladaas, waxaana jira wayxeello kasoo gaartay Dad rayid ah sida qaraxyada jidadka la dhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here