Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Taliye Xigeenka Ciidanka Daraawiishta Shabeellaha Hoose iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka oo Booqday...

Sawiro;-Taliye Xigeenka Ciidanka Daraawiishta Shabeellaha Hoose iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka oo Booqday Ciidanka ku Sugan Muuri

1
0

Khamiis 28  Oct 2026 {CBB}Muuri, Gobolka Shabeellaha Hoose – Taliye Xigeenka Ciidanka Daraawiishta Qaybta Gobolka Shabeellaha Hoose, G/le Cabdullaahi Muxidiin Maxamed, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Siyaasadda Gobolka Shabeellaha Hoose, Abuuukar Cabdalla Bashiir, ayaa booqasho iyo dhiirrigelin ugu tegay Ciidanka Daraawiishta Dowladda  Gobaleedka Koonfur Galbeed ee ku sugan deegaanka Muuri, degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Booqashadan ayaa ujeeddadeedu ahayd dhiirrigelinta ciidamada, kor u qaadista niyaddooda iyo muujinta garab istaagga madaxda maamulka ee ku aaddan waajibaadka ay u hayaan sugidda amniga deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliye Xigeenka Ciidanka Daraawiishta iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Siyaasadda Gobolka ayaa ciidamada kula dardaarmay inay sii laba-jibaaraan dadaallada ay ugu jiraan gudashada waajibaadkooda, ilaalinta amniga iyo xasilloonida deegaanka.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo ciidamada Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed, iyadoo madaxda maamulka ay muujinayaan muhiimadda ay leedahay taageeridda iyo garab istaagga ciidamada ku sugan goobaha ay ka hawlgalaan.

Ugu dambayn, booqashadu waxay muujinaysaa xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa hoggaanka maamulka iyo ciidamada Daraawiishta, kuwaas oo door ku leh dadaallada lagu xaqiijinayo amniga Gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here