Home WARARKA CAALAMKA Cuba oo Maraykanka ku eedeysay in uu geliyay dhibaatooyin Dhaqaale

Cuba oo Maraykanka ku eedeysay in uu geliyay dhibaatooyin Dhaqaale

2
0

Khamiis 28  Oct 2026 {CBB}Dowladda Cuba ayaa Maraykanka ku eedeysay in uu geliyay dhibaato dhaqaale kaddib markii uu kordhiyay cubaqabataynta uu saaray dalkaaa sida in aan wax loo dhoofin karin lagana soo qaadan karin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cuba, Bruno Rodríguez oo dood miisaankeedu culus yahay ku wajahay Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Mike Waltz waxa uu Washingon ku eedeeyay in ay mas’uul ka tahay caqabadaha dadkiisu wajahayo.

Maraykanka ayaa doonaya in uu cadaadis xooggan saaro Cuba halka dalkaaa uu iska caabin culus kala soo horjeedo Xukuumadda Madaxweyne, Donald Trump waana tan keentay dooddoodu tagto Xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Xukuumadda Havana ayaa cadaadiska dhiggeeda Washington u aragta mid ay ku doonayso sidii ay uga reebi lahayd Dalalka Shiinaha iyo Ruushka oo cilaaqaad Militari, Ganacsi & mid siyaasadeed kala dhaxeeya sida wararku sheegayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here