Home WARARKA MAANTA Puntland oo Dowladda Soomaaliya ku eedeysay hurinta Colaadaha ka socda……

Puntland oo Dowladda Soomaaliya ku eedeysay hurinta Colaadaha ka socda……

8
0

Axad 01, Dec 2024 {CBB}Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifa-jabsade ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay qeyb ka tahay hurinta colaad beeleedyada ka socda gobolka Mudug.

Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha Alshaab ah ay ka siman yihiin isku dirka beelaha gobolka Mudug iyo in ay kiciyaan colaad qabiil ku dhisan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in ay gobolka Mudug ka samaysay xuduudo qabiil, islamarkaana beelaha ku kicinayso xuduud beeleed aan jirin si ay qeyb uga noqoto dagaallada qabiilka ee ka socda Mudug.

“Ama dowladda Federaalka ha ahaato ama kooxaha argagixisada ah ha ahaato ee kuwa badan oo mushkilad ka shaqaynaya ayaa jira. Xuduudo iyo dhulbaan lee nahay iyo fulaan baa dadka lagu kicinayaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifa-jabsade.

Puntland ayaa marar kala duwan dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in ay xambaarsan tahay aragti qabiil iyo xuduudo la kala sheegto taasi oo soo celcelisa dagaal beeleedyada gobolka Mudug.

Hase yeeshee, eedeymaha Puntland ayaa la rumeysan yahay in ay tahay mid ay ka dambeyso siyaasad la isku qabtay oo markii dambe isu bedeshay cadaawad kadib markii Garoowe looga adkaaday dagaalka siyaasadeed.

Puntland ayaa hadda sidoo kale la safan Jubaland oo ay is-hayaan dowladda federaalka, waxaana sidoo kale siyaasiyiinta Garoowe ay riixayaan SSC-Khaatumo si ay ugu soo biirto isbahaysigooda, si khilaafka siyaasadeed loogu rogo mid qabiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here