Talaado 3 Nev 2026 {CBB}Wasiirka Gaashaandhigga Hindiya, Rajnath Singh ayaa sheegay in howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Badda iyo kuwa Cirka ee dalkiisa inay kusoo badbaadiyeen 20 Badmaaxe oo u dhashay Dalkaas oo gacanta Kooxo Burcad badeed ah galay.
Howlgalkaan oo dhacay 2dii bishaan waxa uu sheegay in ay ku baxeen qaylo dhaanta uu dirsaday markabka ay la socdeen badmaaxiyiinta isaga oo marayay meel u dhow magaalada Mumbai waxaana la bixiyay gurmad degdeg ah oo ugu dambeyn suuragaliyay in lagu guullaysto badbaadintooda.
“Ciidankeenna waxa ay ku guullaysteen in ay Burcad Badeed ka badbaadiyaan 20 badmaaxe, waxaa naga go’an bad ammaan ah oo si nabadgalyo ah uga gudbi karaan Maraakiibta” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga Hindiya, Rajnath Singh.
Hindiya ayaa dhanka kale ku baaqday in si wadajir ah loo fuliyo howlgallo safmar ah oo lagu xidido siibayo Kooxaha Burcad Badeedda Soomaaliya oo bihii lasoo dhaafay dib usoo celiyay Awooddii ay ku fulin jireen weerarrada ay ku afduubanayaan Maraakiibta Ganacsiga.







