Home WARARKA MAANTA Uganda oo billowday in ay ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya

Uganda oo billowday in ay ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya

1
0

Talaado 3 Nev 2026 {CBB}Ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya ayaa billaabay inay si tartiib-tartiib ah uga baxaan Dalka si ugu dambayn dhammaadka sannadka soo socda 2027 ay u dhammaystiraan qorshaha bixitaankooda sida uu sheegay Afhayeenka kumeel gaarka ah ee Ciidankaas, Col Chris Magezi.

Ciidamadaan baxay waxa ay joogeen Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, waxa ay qayb ka ahaayeen mas’uuliyadda Amniga Degmooyinka Baraawe, Marka, Buulo Mareer, Janaale, Qoryooley iyo kuwo kale.

Askarta Uganda ee Soomaaliya jooga ayaa loo kala qaybiyay labo waxaana qayb kamid ah ay ku joogaan fasaxa Midowga Afirka ee garan istaagga ka haysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay halka kuwa ay ku joogaan heshiiska gaarka ah ee labada Dowladood.

Ciidamada Uganda waa askarii ugu horreysay ee Soomaaliya la keenay 20 sano kahor, Xukuumadda Kampala waxaa Soomaaliya looga dilay Saraakiil iyo Ciidamo halka askartooda qudbooda ay gaysteen dhibaatooyin ka dhan ah Dad Shacab ah, halka qaarkood lagu soo oogay dacwad ka dhan ah musuq ay ku sameeyeen shidaalka & Sahaydooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Midowga Afirka ka heshay Kalsooni buuxda oo la xiriirta in lagu wareejinayo mas’uuliyadda Amniga Dalka marka la gaaro waqtiga uu soo idlaanayo howlgallada ay ka wadaan Qaybo kamid ah Soomaaliya halka xeryaha qaar kol hore ay wareejiyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here