Home WARARKA MAANTA DFS oo Gobolka Galgaduud ku tababaraysa Ciidamo cusub

DFS oo Gobolka Galgaduud ku tababaraysa Ciidamo cusub

0
2

Sabtii 7 Nov 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tababaraysa Ciidamo cusub oo lagu biirinaya Kuwa Xoogga Dalka kuwaas oo loo carbinayo in ay mustaqbalka dhaw la wareegaan mas’uuliyadda Amniga Waddanka.

Culayska ugu badan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wajahayso waa qorshaha buuxinta boosaska ay banneen kaxaan Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM sidaas awgeedna ay xoogga saartay tababarka Ciidmada.

Gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ku yaalla Xeryo lagu tababarayo Ciidamo cusub kuwaas oo horay uga soo qallin jebiyeen Ciidan ka kala tirsan Xoogga iyo Nabadsugidda.

Deegaanno katirsan Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ku sugan AS waxaana socda guluf ka dhan ah iyada oo Dowladdu ay diyaarinayso Ciidamo isku xiran oo gacanta ku dhiga deegaannada gacantooda ka maqan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here