Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Ciidanka guutada 6-aad ee qaybta 60-aad oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanada...

Sawiro;-Ciidanka guutada 6-aad ee qaybta 60-aad oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanada koonfurta xudur

0
2

Sabtii 7 Nov 2026 {CBB}Xudur, Bakool – Ciidanka Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada, G/le Ciise Jeelle Isaaq, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Howlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa ka hortagga falalka amni-darrada, sugidda amniga guud iyo xaqiijinta badqabka isu-socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga gobolka.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamadu ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen deegaannada Lafaale, Baane iyo Abal, kuwaas oo qiyaastii 18 ilaa 20 KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Xudur.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ciidamada ay ku xaqiijinayaan amniga waddooyinka iyo deegaannada hoostaga magaalada Xudur, si bulshada loogu suurtageliyo isu-socod ammaan ah iyo ganacsi aan caqabad lahayn.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here