Arbaco 04 Dec 2024 {CBB}Baarlamaanka Dalka Kuuriyada Koofureed ayaa maanta kulan gaar ah ka yeelanaya go’aanka la xiriira sidii ay xilka uga xayuubin lahaayeen Madaxweyne Yoon Suk Yeol oo Dalkaas kaga dhawaaqay xaalad ciidan oo degdeg ah (Martial Law).
Xildhibaannada wada xil ka joojinta Madaxweyne Yoon waxaa kamid ah 18 Mudane oo Xisbigiisa katirsan kuwaas oo dhibsaday tallaabada uu qaaday, waxaana ay ku goodiyeen in ay ridi doonnaan si dalkooda u badbaadistaan.
Ciidamo katirsan Militariga Kuuriyada Koofureed oo isku gedaamay Xarunta Baarlamaanka iyo goobo kale oo muhiim ah waxaa jiiray 190 Xildhibaan oo si awood ah ku galay aqalkooda iyaga oo sheegay in mooshinkooda dhaqaajinayaan isla maanta.
Kuuriyada Koofureed oo ah Dalka 4aad ee Qaaradda Aasiya ugu dhaqaalaha weyn ayaa culeys aan xad lahayn kala kulmay Dalkii ay horay u kala go’een ee Kuuriyada Waqooyi oo heysata hubka ugu halista badan Caalamka ee Nukliyeerka loo yaqaan.