Home WARARKA MAANTA Xasan Sheekh iyo Museveni oo Baaq Wadajir ah ka Soo Saaray Maalgelinta...

Xasan Sheekh iyo Museveni oo Baaq Wadajir ah ka Soo Saaray Maalgelinta Ciidamada AUSSOM,

1
0

Isniin 23 Nov 2026 {CBB}Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa Isniintii ku baaqay maalgelin “ku filan, la saadaalin karo oo joogto ah” oo loogu talagalay ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Labada madaxweyne ayaa baaqan ku sheegay war-murtiyeed wadajir ah oo la soo saaray dhammaadkii booqasho rasmi ah oo hal maalin ah oo Xasan Sheekh uu ku tagay Uganda.

Dowladda Uganda waa mid ka mid ah dalalka ugu ciidamada badan ee ku jira Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here