Talaado 10 Dec 2024 {CBB}Deg Deg: Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Ganeral Odowaa Yuusuf Raage ayaa Xilkii ka qaadey Gaashaanle Carab dheeg Ahmed oo ahaa Taliyihii Ururka 162aad Ee Kumaandooska Danab kaas oo fadhigeedu ahaa magaalada kismaayo Ee gobolka jubada hoose, Xilka qaadista Taliye Carab dheeg ayaa imaaneysa xilli uu shaley ka hadley arimaha siyaasadeed Ee ka jira Raaskanbooni oo jubada hoose ah.
Taliyaha Cusub Ee Ururka 162aad Ee Kumaandooska Danab Ayaana Loo magacaabey Ariif hire oo kamid ahaa Saraakiisha ururka 162aad Ee Fadhigoodu yahey kismaayo.
Taliye Carab ayaa dowladda federaalka ku dhaliilay sababta loo dalacsiiyey ciidankii Jubbaland oo kaliya, iyadoo aan hoos loo eegin kuwa Danab oo muddo dheer dagaal ku soo jiray.
Sidoo kale Taliyaha ayaa dowladda ku dhaliilay ciidanka ay geysay Raaskambooni, isagoo halis weyn ka muujiyey in Jubbaland uu ka bilowdo isku dhac ciidamada dhexdooda ah oo laga baaqsan karo.
Sarkaalkaan ayaa halis weyn ka muujiyey in laga mashquulo dagaalka Khawaarijta, isagoo si cad u sheegay in wiilashada ka wada tirsan ciidamada qaranka aysan cadow isku aheyn, balse siyaasadaha is diidan ay horseedayaan halis aan laga soo kabsan, hadii ciidamadu soo farogeliyaan.