Home WARARKA MAANTA SSC-Khaatumo oo eedeyn culus ujeedisay maamulka Puntland.

SSC-Khaatumo oo eedeyn culus ujeedisay maamulka Puntland.

7
0

Talaado 10 Dec 2024 {CBB}Maamulka SSC-khaatumo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku cambaareeyay fara gelin uu sheegay in Puntland ku hayso degaannadooda.

Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo ayaa ku eedaysay dowladda Puntland in ay fara gelin sharci-darro ah ku hayso degaannada Khaatumo islamarkaana carqalad ku waddo geeddi-socodka dhismaha Maamulkaasi.

SSC-khaatumo waxay sheegtay in Puntland is hor-taag ku samaysay gargaarkii loo waday degaannada Khaatumo islamarkaana joojisay tallaalkii loo waday sidoo kalena warbixino aan sax ahayn oo ku saabsan SSC la wadaagtay hay’adaha Caalamiga ah.

Maamulka SSC-khaatumo ayaa sidoo kale dowladda Puntland ugu baaqay in ay ka waan-toobaan tallaabooyinka ay ku tilmaantay fara-gelinta ee ka dhanka ah degaannada SSC-khaatumo. Hoos ka aqriso bayaanka SSC-Khaatumo

War-saxaafadeed

6 February 2023, Shacabweynaha SSC-Khaatumo waxay gaadheen go’aan ah inay dhistaan Maamul u gaar ah, kaas oo ka dhabeeya rabitaankooda, Maamulkaas oo Dawladda Federaalku si buuxda u aqoonsatay inuu matalo kana arrimiyo Sool, Sanaag iyo Ceyn. Go’aan kaas oo ay soo dhaweeyeen Maamulka, waxgaradka iyo shacabweynaha Puntland waqtigii lagu dhawaaqay.

Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si adag u cambaareynayaa faragalinta sharci-darrada ah ee Puntland ku hayso arrimaha gudaha ee deegaannada SSC-Khaatumo. Puntland oo umuuqanaysa inay isku dayayso carqaladeynta geeddi-socodka iyo horumarka ka hanaqaaday deegaanadan, qaar ka mida madaxda usaraysa Puntland waxay ku hawlanyihiin tallaabooyin baalmarsan go’aamadii 6 February, kuwaas oo wax udhimaya wada dhalashada, daris wanaagga iyo iskaashi buuxa oo dhexmara labada Maamul.
Waxaa intaa dheer, Intii Maamulka SSC-Khaatumo la yagleelay Puntland waxay qaadday tallaabooyin ay ku curyaaminayso jiritaanka Maamulka SSC-Khaatumo, tallaabooyinkaas waxaa kamid ah:-

Is-hortaag lagu sameeyay tallaalkii loo waday Maamulka SSC-Khaatumo.
Siyaasadayn & hakin lagu sameeyay gargaarkii SSC-Khaatumo.
Dacwayn & cagajuglayn lagu sameeyay Hay’adda Alight oo deegaannadan ka fulinaysa mashaariic waxtar u leh deegaanka.
Isku day xilal ay ka magacawdo deegaanka qaarkii sidii ay samaysay Wasaaradda Caafimadka Puntland.
Warbixinno aan sax ahayn oo Puntland la wadaagto hay’adaha Caalamiga ah ee xaruntoodu tahay Nairobi.
Puntland waxay si aan gabbasho lahayn magacyada gobolladda Sool & Cayn ugu soo dartay Ciyaaraha ka socda Puntland, iyagoo soo uruuriyay dad aan matelin ciyaartoyda ka soo jeeda SSC-Khaatumo. Goboladda iyo Degmooyinka SSC-Khaatumo qayb kama aha ciyaarahaa.
Puntland waxay si toos ah u carqaladeyneysaa dadaallada ay wadaan Maamulka SSC-Khaatumo si ay u dhisaan hore usocodka Maamulka oo ku saleysan rabitaanka shacabka deegaanka, taasoo ah xaq dastuuri ah.

Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu ugu baaqayaa Puntland inay joojiso faragalinta iyo ficillada wax u dhimaya wadajirka iyo horumarka deegaanka SSC-Khaatumo.

Maamulka SSC-Khaatumo isagoo ka duulaya siyaasad ku salaysan sidii lagu gaadhi lahaa iskaashi buuxa oo dhexmara labada Maamul waxa uu magacaabay guddiga wada-hadalka iyo iskaashiga SSC-Khaatumo iyo Puntland, nasiib darro halkii laga eegayay inay Puntland soo magacawdo guddi hawshaa uqaabilsan waxaa ay bilawday faragalin ka dhan ah Maamulka iyo Shacabka SSC-Khaatumo.

Mar kale, waxaanu ugu baaqaynaa Dawladda Puntland inay ka waantowdo waxkastoo dhaawici karaya wada dhalashada iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada shacab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here