Talaado 10 Dec 2024 {CBB}Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu u safro Dalka Turkiga kaddib markii uu casumaad ka helay Dhiggiisa Recep Tayyip Erdan sida ay sheegeen ila ku dhow safarkiisa.
Marka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tago Turkiga waxa uu kulamo ilaa haatan aan si rasmi ah loo shaacin la qaadan doonnaa dhiggiisa Recep Tayyip Erdogan, xubnaha safarka ku wehliya ayaa qudhooda kulamo doceedyo sameyn doonna.
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga waxaa aad loo hadal hayaa in ay isku soo hadal qaadi doonnaan heshiisyada ay horay u wada galeen Xukuumadaha Muqdisho & Ankara, xaaladda ka taagan geeska Afrika, Wadahadalkii Dowladdaas ay waday iyo kuwo kale.
Wararka la helayo ayaa intaas ku daraya in Dowladda Turkiga ay dooneyso sidii ay u xoojin lahayd wadahadalkii fashilka kusoo dhammaaday ee lagu dhexdhexaadin rabay Dowladaha Soomaaliya & Itoobiya kaddib markii laga gudbi waayay shuruudaha labada dhinac.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga oo horay u sheegtay in wadahadalkii socday ay u baddeshay mid marka hore labada dhinac ay ka kulmayaan ergo ka socota Ankara oo kolka la isku soo dhawaado kaddib Dalkaas la isugu geynayo wakiillada Soomaaliya iyo Itoobiya.