Talaado 10 Dec 2024 {CBB}Taliyaha Ciidanka Xoogga Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ururka 162aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Carab Dheeg Axmed oo dhowaan sheegay in darajooyinka ciidanka ay codsadeen loo diiday.
Carab oo Warbaahinta la hadlay xiligaas uu cabashada & Dhaliisha uu gudbinayay waxa uu sheegay in waqti adag ay ciidanka uu hoggaamiyo kusoo qaateen deegaannada ay ka howlgallaan EE Dowlad-Goboleedka Jubbaland.
Cabashada Dheeg ayaa kusoo beegantay iyada oo Dowladda Federaalka ay darajooyin siisay ciidamo isaga soo tagay Dowlad-Goboleedka Jubbaland kuwaas oo iska dhiibay Magaalada Raaskambooni kaddibna loosoo qaaday Muqdisho.
Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ugu dambeyn taliye Carab dheeg xilka ka qaaday, waxaa uu xilkaas u magacaabay mid kamid ah saraakiishii sida dhow ula soo shaqeysay taliyaan xilka laga xayuubiyay.
Taliska uu hoggaaminayay Carab Dheeg Axmed waxa uu kamid ahaa afarta qayb ee Saldhigyada waa weyn Ciidanka Kumaandooska gaarka u tababaran ee Danab ku leeyihiin Koofurta iyo Bartamaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Siyaasadda & Ciidanka
Isku milanka Siyaasadda iyo Ciidanka waa wax inta badan dhaco marka xaalada adag ay taagan yihiin, marka ay is qabtaan Dowladad Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah ama khilaaf kale uu ka dhex dhacdo Dowlad-Goboleedyadu waxaa si toos ah usoo farageliya saraakiisha ciidanka.