Home WARARKA MAANTA Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhiggiisa Turkiga kala hadlaya wadahadalka Soomaaliya & Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhiggiisa Turkiga kala hadlaya wadahadalka Soomaaliya & Itoobiya

5
0

Arbaco 11 Dec 2024 {CBB}Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa maanta lagu wadaa in uu la kulmo dhiggiisa Recep Tayyip Erdogan si ay diiradda u saaraan arrimo ay kamid yihiin Wadahadalka Soomaaliya & Itoobiya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u sheegtay in Dowladda Turkiga ay qabaneyso Wareegga 3aad ee Wadahadalka Xukuumadaha Muqdisho & Addis Ababa si loo dejiyo xiisadda siyaasadeed ee heerkulka sare gaartay.

Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay ilaalinta Madaxbannaanida, Midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Sooamaliya sida hadalka loo dhigay.

Ankara ayaa dooneysa in uu shirkaan ka duwanaado labadii wareeg ee horay la isku fahmi waayay maadaama markaan ay socdaan Madaxda sare ee hoggaaminaya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Turkigu ma sheegin wadahadalku uu noqonayo mid toos ah oo ay is hor fadhiinayaan labada dhinac iyo in mid mid loola kulmayo si loo gogol xaaro mid fool ka fool ah oo isaga hor yimaadaan Xukuumadaha Muqdisho iyo Addis Ababa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here