Arbaco 11 Dec 2024 {CBB}Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah iyada oo kula loolantay shirkado kale oo ka kala socday Dalal badan, wareeggii ugu dambeeyay waxa ay Hormuud isugu soo hareen 7 shirkad oo kale oo ugu dambeyn ka guuleysatay.
Hormuud Telecom ayaa abaalmarintaan ku muteysatay Waxtarka Bulshada, Shirkadda ayaa adeegyo kala duwan u qabatay Bulshada waxaana lagu dhiirrageliyay in ay sii kordhiso sida laga sheegay munaasabadda ka dhacday Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.
Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salam Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo guddoomay abaalmarintaan ayaa sheegay in ay wareeggii dambe isugu soo hareen shirkado kala metalayay Dalal dhaca Qaaradaha Yurub, Afrika iyo Aasiya.
Khubarrada kala saarayay Shirkadahaan tartamay ayaa sheegay in sababta kaalinta 1aad ay u gashay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay tahay in si tabarucaad ah ay u fulisay adeegyada kala duwan ee Bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka & meelo kale.
“Sida Guddiga Garsooreyaasha ah ee howshaan go’aanka ka gaaray ay sheegeen waxa ay dhaheen shirkadda Hormuud waxa ay qabatay howlo waa weyn oo waxtar u leh Bulshada sida Taakulada Waxbarashada, Caafimaadka, Shaqo abuurka & garab istaagga danta guud” Cabdullaahi Nuur Cismaan, Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salam Foundation.
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa dhowaan ku guuleysataya abaalmarin kale oo Caalami ah, dhammaan abaalmarinnadaas waxa ay ku muteysatay u adeegista Bulshada Soomaaliyeed sida laga qiray goobihii lagu abaalmariyay.