Home WARARKA MAANTA Ciidanka DFS & AS oo ku dagaalamay Gobolka Hiiraan

Ciidanka DFS & AS oo ku dagaalamay Gobolka Hiiraan

2
0

Jimco  9 Oct 2026 {CBB}Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AS ayaa maanta ka dhacay Gobolka Hiiraan gaar ahaan Deegaanka Xaanshi Gadafar ee duleedka Hees, waxaana dagaalka uu isugu jiray qaraxyo, hub culus iyo rasaas toos ah oo labada dhinac is dhaafsadeen.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo talis muhiim ah u leh Deegaanka Hees ayaa la sheegay in ay gurmad u sameeyeen ciidanka ku sugnaa Deegaanka Xaanshi Gadafar oo markii  dambe la tilmaamay in ay halkaas dib uga soo baxeen.

Weli lama helin xogta khasaaraha ka dhashay dagaalkaan, waxa uu iska hor imaadkaan imaanayaa iyada oo shalay deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan ee Maamulka HirShabeelle ay ka dhaceen dagaallo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlay dagaallada AS ay ku qaadeen Saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Dadka deegaanka ee Macawiisleyda ay ku leeyihiin deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here