Home WARARKA CAALAMKA Shehbaz Sharif “Ilaalinta madaxbannaanida & Amniga Sacuudiga dhankeenna waa mid naga go’an”

Shehbaz Sharif “Ilaalinta madaxbannaanida & Amniga Sacuudiga dhankeenna waa mid naga go’an”

2
0

Jimco  9 Oct 2026 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif oo wax laga weydiiyay duullaanka culus ee Sacuudiga ku socda iyo doorka Islamabad ay ka qaadan karto fududaynta culayskaas ayaa sheegay in iyada oo la fulinayo heshiiskii Maka ay garab taagan yihiin Riyadh.

Shehbaz Sharif Waxa uu arrin aan laga aamusi Karin ku tilmaamay weerarrada ka dhanka ah Sacuudi Carabiya oo ah kuwo lid ku ah madaxbannanaida iyo amniga Dalkaas sidaas awgeed ay ku garabsiinayaan hadba wixii looga baahdo.

“Balladnqaadkayaga ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo Amniga Sacuudi Carabiya waa mid sugan oo aan ka leexleexad lahayn iyada oo aan raacayno sida uu dhigayo heshiiska Difaaca Maka ee sida wadajir ah u galnay” Sidaasi waxaa yiri RW Pakistan, Shehbaz Sharif

Pakistan ayaa qayb ka ah howlgallada ka dhanka ah Xuutiyiinta duqaymaha ku beegsanaya Sacuudiga, waxaana door ka qaashadeeda lagu tilmaamay mid sal u ah heshiiskii Maka ay wada galeen Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here